Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo todobaadkan ku sugan xarunta wasaraadda gaashaan dhigga oo uu deegaansaday ayaa haatan wada dedaalo lagu xalinayo xiisada ka dhalatay mooshinka laga keenay gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Jawaari ee ka taagan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la tilmaamay inuu kulamo gooni gooni ah la qaatay xildhibaanada golaha shacabka kuwooda keenay mooshinka iyo kuwa diidan intaba si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Jawaari iyo Rey’sulwasaare kheyre oo la tilmaamayo in uu khilaaf ka dhaxeyo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaana ku dedaalaya sidii loo soo afjari lahaa khilaaf la tilmamay inuu ka dhaxeyo Ra’iisal Wasaare xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari sidoo kale na la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada ee mooshinka ku aadan.