Muqdisho-KNN-Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid).
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mr Ceydiid, waxaa uu noqonayaa safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawdo Turkiga tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo Turkiga iyo Soomaaliya xiriirkooda dib u bilowday, kaddib markii Turkiga u soo gurmaday Soomaaliya.
Jaamac Ceydiid ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaa uu ka mid yahay saddex Safiir oo uu Madaxweynaha magacaabay markii uu xilka la wareegay.