Somali News

Madaxweynaha Turkiga oo xaalad deg deg ku soo rogay dalkaasi

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo socon doonta saddex bilood, taasi oo ka dhaqan galeysa 10 gobol oo uu sida ba’an u saameeyay dhulgariir ay ku dhinteen kumannaan qof.

Mr Erdogan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay Turkiga ay gaartay 3,549 qof. In ka badan 1,600 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen Suuriya.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Erdogan ku sheegay in xaaladda degdegga ah ay tahay in la hubiyo in howlaha samatabbixinta “si degdeg ah looga fuliyo” Koonfur-bari ee dalka.

Wuxuu sheegay in tillaabooyinkaasi ay u ogolaan doonaan shaqaalaha gargaarka iyo gargaarka maaliyadeed ee gobollada ay dhibaatadu saameysey, laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.