Uncategorized

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Ordagan oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay in ay Burburtay.

Ankara-KNN-Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Ordagan oo ka hadlay Caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid jileeceedu uu Xadka dhaafay, marka ay timaado la xisaabtanka Yahuudda.

Madaxweeyne Ordagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid ka gadaal markii ay 60 qof oo Falastiiniyiin ah  yahuudda auy ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya.