Somali News

Madaxweynaha Turkiye oo digniin u diray Dowladda Giriiga

Madaxweynaha Turkiye, Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladdda Giriiga uga digay Ciidamada ay ku soo daabuleyso badda Aegean ee muranka ka taagan yahay, taasi oo sii kicineysa xiisadda ka dhex taagan labada dal.

Erdogan oo ka qeyb galay Dhoolatus ay samaynayeen Ciidamada Turkiye ayaa sheegay in marna aysan ka tanaasuli doonin lahaanshiyaha Badda Aegean, isla markaasna ay ka difaaci doonaan haddii Giriigu isku dayo in uu qabsado.

“Turkiye kama tanaasuli doono xuquuqda ay ku leedahay badda Aegean, kama labalabayn doono isticmaalka awoodeeda si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay Giriiga in ay Ciidamada ka saaraan aagga lagu muransan yahay, ayna ku dhaqmaan heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira Badaha.