Somali News

Madaxweynaha Uganda oo ka hadlay qaraxii ka dhacay dalkaasi.

Kampala-KNN-Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa qaraxii habeenkii xalay ahaa ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kampala ee uu ku dhintay halka qof ku tilmaamay inay suuragal tahay inuu ahaa fal argagixiso.

Qaraxa ayaa ka dhacay baar cunto laga cuno khamrina lagu cabo oo ku yaal waqooyiga magaalada.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in laba nin ay soo galeen baarka fiidnimadii Sabtida.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku tilmaamay fal argagixiso , wuxuuna sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii ka dambeeyay.

Duqa magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku nool aagga ay cabsi qabaan oo ay la yaaban yihiin sababta uu qof u beegsanayo xaafaddooda.

Masuuliyiinta Uganda ayaa dhawaan ku eedeeyay jabhadda ADF ee fadhigeedu yahay Congo inay maleegayaan weeraro argagaxiso ah.

Bishii Agoosto boolisku waxay sheegeen inay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday aaska taliye ciidan oo ay ka soo qaybgaleen saraakiil sare oo milateri iyo siyaasadeed.