Somali News

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in soomaaliya aysan ka jirin Dowladnimo.

Muqdisho-KNN-Yoweri Museveni  Madaxweynaha Uganda oo ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa waxaa uu aad ugu hadlay dowladnimada iyo ahmiyada ay leedahay.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, isagoona tusaale ahaan u soo qaatay Soomaaliya.

‘Dalal badan oo waxaa jira, aaney ka jirin dowladnimo, mana jiro  maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa, Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo u soo diro Soomaaliya March 2007.