Somali News

Madaxweynaha wadanka Lubnaan oo ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka cilmaaniga.

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka calmaaniyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay qaabka keliya ee “lagu ilaalin karo wadaniyadda” isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi.

Mr Cawn ayaa sheegay in awood qeybsiga ku salaysan diimaha ay dalkaasi ku habooneyd 1980-maadkii, xilligaasi oo uu ka soo baxayay dagaal sokeeye, balse hadda ay caqabad ku tahay horumarka iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Waxa uu ka hadlayay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaanta maanta jirta.