Somali News

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo la kulmay Talyaha Howlgalka Mareykanka ee Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan magaalada Muqdisho kala yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Lry Andry iyo taliyahaha Ciidamada AFRICOM Generaal Stephen Townsend.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka, si loo gaaro mustaqabal nabad iyo amaan ah.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu la jiro Ururka Al-shabaab.

Kulanka ayaana ku soo aadaya Xilli dhowaan Madaxweynaha Mareykanka oo amray in dib loogu soo celiyo Ciidamadii hore looga saaray Soomaaliya.