Uncategorized

Madaxweynaha Zimbabwe oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Emmerson Mnangagwa oo ah Madaxweynaha dhawaan la wareegay Talada Dalka Zimbabwe  ayaa warqadaha aqonsiga safiirnimo ka guddoomay Wakiilka Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo wadamo kale oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Zimbabwe.

Safiirka Soomaaliya ee Zimbabwe ayaa lagu magacaabaa Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, waxa uuna sidoo kale safiir ka yahay wadamo kale sida Koofur Africa, Munaasabad kooban ayaa loogu qabtay magaalada Harare ee xarunta Dalka Zimbabwe.

Danjire Jamaal Barrow ayaa Emmerson Mnangagwa Madaxweynaha Zimbabawe u gudbiyay salaam uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna muujiyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo wax wada qabsi oo dhexmara shacabka labada dal.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa sidoo kale la soo wadaagay dhambaal Safiirka Soomaaliya ee Zimbabwe kaas oo ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.