Somali News

Madaxweynanaha Galmudug oo ku baaqay Howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqday Xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa warbixinno ka dhageestay saraakiisha iyo wax garadka degmada Wisil, taas oo ku aadan xaaladda guud ee amniga degmada iyo deegaanada hoos yimaada halkaas oo ay weeraro ku soo qaadaan Al-shabaab.

Madaxweyne, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ku boorriyay ciidamada in ay laba jibaaraan dadaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaanada Galmudug.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhowaan la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasi oo loogu tagi doono deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.