Uncategorized

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed oo dhawaan shir ugu furmi doono madaxda maamul Goboleedyada.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa goor dhow waxaa ka dagay laba diyaaradood oo waday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Mas`uuliyiintaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo iyadoona ay soo dhaweeyeen mas`uuliyiinta sare ee maamulka Koofur Galbeed.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan magaalada ay soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.