Uncategorized

Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada oo gaaray Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” ayaa goor-dhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, halka Madaxweynaha Puntalndna Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas” la sheegay in uu goor-dhaw ka duulay Garoonka magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari.

Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada ee gaaray kismaayo ayaa waxaa mid walba waxaa la socda wafdi isugu jira Xildhibaano, wasiiro iyo Shaqaale kale waxayna ka qeyb galayaan Shir u gaar ah madaxda maamul Gobaleedyada oo lagu wado in uu ka furmo kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa hore u iclaamiyay Madaxweyne Axmed Madoobe kadib markii uu khilaaf soo kala dhaxgalay Dowladda Dhexe iyo Maamulada Dalka ka jira.

Madaxdaan ayaa la filiyay in ay Kismaayo gaaraan maalintii shalay balse waxaa la sheegay in ay ka baaqdeen kadib markii ay waayeen diyaaradihii ay ku tagi lahaayeen.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka qaar ee kismaayo ee ku dhaw dhaw Xarunta martida ee Kismaayo halkaas oo lagu wado in shirka ka furmo.

 

La soco wixii ku soo kordho.