Uncategorized

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray Imaaraadka

Muqdisho-KNN-Madaxweynayaasha maamulada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo sido kale Juba-land Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maalamhan ku sugan Magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraatka carabta.

Cabdiwali gaas ayaa safarjkiisa marki uu u baxayay todobaadki hore warbaahinta la hadlay waxaana uu sheegay in uu madaxda imaaraatka kala so hadlayo xiriika iyo sidii ay usii wadi lahaayeen taagero la siiyo ciidamada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo Shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Abu Dhabi, ee caasimadda wadanka Imaaraadka ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Gaas ayaa ku dhawaaqay in maamulka Puntland ay heshiisyo caalami ah la geli karto dowladdo shisheeye iyo shirkado, isagoo soo qaatay qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland.

Gaas wuxuu kaloo yiri “awoodda dalka Soomaaliya oo dhan ma`ahan  mid ku kooban magaalada Muqdisho, Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliya.”

Hase ahaate waxaa qarsoodi ahaa oo aan warbaahinta laga sii shaacin safarka uu Axmed Madobe madaxweynaha Jubaland ku tagay dalkaasi Imaaraatka.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in labada madaxweyne ee Puntland iyo Juba-land ay madaxda Imaaraatka la yesheen shirar dhowr ah oo looga hadlayay xiisada todobaadyadi ka dhex jirta Soomaaliya iyo Imaaraatka ee dhanka dublomaasiyada ah.

Warar hoose oo ay KNN ka heshay dad ka ag dhaw labada madaxweyne waxaa ay sheegayaan in heshiisyo qarsoodi ah ay dowlada Imaaraatka kala saxiixatay madaxweynayasha Puntland iyo Jubaland ee ku sugan dalka Imaaraadka.

si rasmi ah looma oga waxa ay heshiisyada quseeyaan waxaase jirta in wajiga labaad ee dhameystirka heshiiska dekada Boosaaso ay kulamadaan qaar kood la xariiraan.

Dalka Imaaraadka ayaa inta badan waxaa ka dhaca kulamo looga hadlo arimo la xiriiro siyaasada isla markaana aysan ka war qabin dowlada Soomaaliya.

Tagista madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee dalka Imaaraatka ayaa imaaneysa iyadoo Imaaraadka ay hakad fgelisay taageradi ay siin jirtay dowlada Soomaaliya ee dhanka tabarbarka Ciidamada ah sido kale na ay albaabada u laabtay isbitaal ka furnaa Muqdsho, agab badan oo ka yaalay magaalada Muqdishana ay maalmo Maraakiib ku raranayeen.