Somali News

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo xalay ka wada hadlay arimo kala duwan

Muqdisho-KNN-Magaalada Asmara ayaa xalay waxaa ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlayay Xaaladda dalalka  Afrika, waxaana wafdiga Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kulamo gooni gooni la qaateen Madaxda ugu  sareysa ee dalka Eritrea.

Labada Madaxweyne  ayaa waxaa si qoto dheer ay ugu wada hadleen sidii uu iskaashiga u dhexmari lahaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta oo ka mid ah wafdiga dowladda,  ee ku sugan magaalada Asmara ayaa VOA –da u Sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ay wada gaareen heshiis hor dhac ah oo ay ka mid tahay in  danjirayaal is-weydaarsadaan oo caasimahadaha labada dalna ay ka furan safaaraddo.

Hadalkan ayaa looga dhawaaqay, kulankii u horreeyey ee magaalada Asmara ku dhexmaray madaxweynaaasha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea iyo Isaias Afwerki.

Madaxweyne Farmaajo waxaa maanta lagu waddaa in uu booqdo xarumo taariikhi ah oo ku yaalla dalka Ereteriya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho ah ku jooga magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaana la filayaa inuu halkaasi kula kulmo uu kula qaato madaxda ururka ONLF, jabhada ONLF ayaa soo dhaweeyay booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Eritrea.