Somali News

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo lagu wado in ay ku kulmaan Uganda

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga wada-hadlaan isku dayga Kenya ee boobka Badda Soomaaliya.

Labada hogaamiye ayaa ka qayb-galaya furitaanka Shirka, Africa Now Conference oo lagu wado in la qabto 12-ka bishaan waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda.

Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaqjiiyey in uu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu ayaa kamid ah dadka ka qayb-galaya Shirkaasi. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah  Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.