Somali News

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ku kulmaya Kenya.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaaha dowladda Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xalay waxaa ay gaareen Magaalada Nairobi ee  dalka Kenya, waxaa ayna ka ambabaxeen  Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi, waxaa ayna ka wadahadli doonaan xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa labada dal.

Abiy Ahmed  Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu dhex dhexaadiyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex gala, kaasi oo la xiriira muranka Badda.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay  in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.