Somali News

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kenya oo maanta kulan ku yeeshay Nairobi.

Muqdisho-KNN-Madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta waxaa uu kulan ugu socdaa Magaalada Nairobi ee  dalka Kenya.

Kulanka ayaa labada masuul maanta waxaa ay uga wadahadlayaan xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Abiy Ahmed  Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maanta dhex dhexaadinaya  dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan khilaaf diblumaasiyadeed uu  soo kala dhex galay, kaasi oo la xiriira muranka Badda.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa KNN u xaqiijiyay in kulanka u dhexeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya uu goordhow ka  furmay Magaalada Nairobi , islamarkaana waxaa uu sheegay in warsaxaafadeed ay ka soo saari doonaan saacadaha soo aadan.

Wixii ku soo kordha la soco