Uncategorized

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxiixday.

Qaahira-KNN-Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo C/Fitaax Al Sisi Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo u dhaxeynaya labada dowladood.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay waxay ka wada hadleen Qodobo dhowr ah waxaana kamid ahaa: Xoojinta Xiriirka dhaw ee kawada dhaxeeya labada Dowladood waa Masar iyo Soomaaliya, Hormarinta Waxbarashada Ardayda Soomaalida, ka qeyb qaadashada Dhaqaalaha Soomaaliya, Maalgashi ganacsatada Masaarida ay ku sameystaan Soomaaliya iyo Arimaha Amaanka Soomaaliya in masar ay ka qeyb qaadato.

sidoo kale waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ahin Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka Shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in soo gaba gabeeyo safarkiisa Dalka masar oo la sheegay in uu noqonyo labo maalmood oo kaliya.