Uncategorized

Madaxweynayaashii hore maamulka Puntland oo edeeyn Culus u jeediyay Xildhibaan Sacdiyo Yasiin Xaaji.

War-Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay axmad ciise cawad Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa looga hadlay shaqaaqadii ka dhacday 11-ka bishaan garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ugu horeeyntii Warsaxafadeedka ayeey ku shegeen madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland in ay ka xunyihiin dhacdadii ka dhacday boosaaso ayna ka tacsiyeeynayaan dadkii ku dhintay shaqaaqadaasi iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxa ay si cad u shegeen in dhacdadii isniinta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ay masuul ka tahay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJF Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayna baalmarsan tahay nidaamka dowliga ahaa ee uu dalku lahaa.

Waxa ay ku shegeen War-Saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland in Puntland Lee dahay maamul loo doortay ayna mudan tayay in loo maro xiriirka dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland.

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqeen in kaga fogaado wax kasta oo wax u dhimi karo islashqeeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadyada.