Muqdisho-KNN-Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa KNN u sheegay in Ciidankii shalay lagu dilay weerarkii ka dhacay Baar-sanguuni ee ay soo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab uu ku dhacay dayacaad Ciidamadaas loo geystay.
Sarkaalkaas oo la yoliraahdo Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa dayacaadtaas loo geystay Ciidamada dusha ugu tuuray Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.
Sargaalkaan ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamadaas go`adoon la geliyay islamarkaana Ciidamada shalay uu gaaray jab xoogan oo dhaawacyadooda hadda ay yaalaan isbitaalka dhexe ee magaalada Kismaayo.
Wuxuuna madaxweynaha maamulka Jubaland iyo xubnihii kale ee arintaan ku lug lahaa ka dalbaday in ay qaataan mas`uuliyadooda.