Somali News

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho-KNN-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii ay dhowaan heshiis ay magaalada Kismaayo ku kala saxiixdayn DF-ka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo islamarkaana ay dhameestiraan heshiiskii lagu gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin katirsan Maamulkaasi iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Wali lama hadlin warbaahinta balse waxaa la filayaa in uu la hadlo warbaahinta islamarkaana uu faah faahiyo ujeedka socdaalkiisa.