Somali News

Madaxweyne Axmed Madoobe”Waxaa la joogaa xiligii gobolada Waaqoy la xaal marin lahaa oo lagala hadli lahaa waxa ay tabanayaan”

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo boqolaal dad ah kula hadlayay fagaayo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland kana hadlayay munaasabad loogu dabaal dagayo 1-da Bisha Luulyo oo ah markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xurnimada maanta lagu laa loonaya ay keeneen jiilkii xiligaas jiray loona baahan yahay in sidii oo kale loogu dhabar adeego sidoo kalane aan la luminine lagu faro adeego.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri” Waxaa la joogaa xiligii dadka ku nool gobolada Koonfurta Soomaaliya ay xaal marin lahaayeen walaalahood Gobolada Waqooyi oo ku aadan wixii ay tabanayaan ayna tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka.

Madaxweynaha oo la hadlayay dadweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in amaanka ka jira deegaanka ay ku faro adaygaan wuxuu ugu baaqay in midnimo iyo wadajir loo baahan yahay si horay loogu socdo.

Xalay ilaa iyo maanta ayaa munaasabada 1 Luulyo laga xusay Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyadoona maanta oo kale dadka Soomaaliyeed ay u dabaal dagaan markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.