Somali News

Madaxweyne Biden iyo dhiggiisa Ukraine oo ku kulmaya Faransiiska

Madaxweyne Biden iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku kulmaya Paris, maalin kadib markii ay labadooda ka qeyb galeen xuska dagaalkii labaad ee adduunka, maalintii ay ciidamadii isbahaysiga qabsadeen waqootiga Faransiiska.

Mr Biden ayaa raalligelin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid gargaarka militari ee Ukraine la siin lahaa, taasoo ay sababeen xildhibaannada jamhuuriga ee aqalka kongareeska, balse wuxuu ballan qaaday in Mareykanku uusan cidlo uga tegi doonin Ukraine. Wuxuu ansixinayaa in ka badan labo boqol oo milyan oo doollar oo dheeraad ah si dib loogu dhiso korontada warshadda Ukraine ee Ruushku duqeynta ku waday.

Madaxweyne Zelensky ayaa dhankiisa madaxweyne Biden uga mahad celiyay taageerada Mareykanka, wuxuuna sheegay in labada dal ay ka wada xaajoon doonaan difaaca hawada.