Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada maamulkaas,waxaana uu magacaabay Wasiirro cuusb.
Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista dadkii bedeli lahaa mas’uuliyiinta uu xilalka ka qaaday.
Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal
Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaaran;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya