Somali News

Madaxweyne Biixi oo maanta xariga ka jaray mashruuc cusub oo laga hirgeliyay Dekeda Berbera

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

Wiishashka (Mobile Harbor Crane) cusub ee loo keenay dekedda Berbera oo Xariga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xariga lagaga jaray waxa ay ka dhacday Magalada Berbera,waxaaana goobjoog ka ahaa inta badan Madaxda Soomaaliland.

Ugu horrayn Maareeyaha dekedaha Somaliland  Siciid Xasan Cabdillaahi oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera iyo sida meesha looga saaray baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda.

Maareeyuhu waxa uu ammaanay tallaabada dekedda lagu keenay wiishashka cusub ee uu sheegay inay suurogelinayaan inay dekeddu isku filnaato marka la eego dhinaca rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda kasoo dega iyo kuwa ka dhoofaba, islamarkaana ay wiishashkani yihiin kuwa ugu casrisan ee ay isticmaalaan dekedaha dunidu.

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda xarigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, isla markaana ay ku hawlan yihiin ballaarinteeda iyo horumarinteedaba.

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa munaasabadda ka jeediyey hadallo dhinacyo badan leh oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u danaynayso in la dhammaystiro dhammaanba baahiyaha guud ee ay dekeddu leedahay, Waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dekedda Berbera, isaga oo madaxweynihii hore ee Somaliland  Axmed Siilaanyo uga mahadnaqay go’aankii uu ku keenay shirkadda dekedda Berbera gacanta ku haysa ee DP World.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa sharraxay horumarka is xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba.

“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaarinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.”