Jigjiga-KNN-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa dardaaran adag waxa uu usoo jeediyay ciidamada Liyuu Boolis, oo ah ciidamo uu asaasay madaxweynihii hore ee Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar.
Ciidamadan ayuu usheegay in ay dhawraan xuquuqda aadanaha, oo ay taxadaraan xilliyada ay hawlgallada sameynayaan.
Sidoo kale madaxweyne Cagjar ayaa digniin u diray ciidamada Booliska ee caadiga ah, guud ahaan dawlad deegaanka waxaa ka jira isbadal waxaana xilligan Muuqata in furfuraan xoogani ay jirto.