Somali News

Madaxweyne Cagjar oo xalay safar ku tagay Hargeysa.

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Gobalka  Soomaalida Itoobiya  Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar)  iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa xalay safar ku tagay Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Maalinta oo khamiis ayaa la filayaa in Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka uu  qayb-galo  dhagax dhigga Waddada isku xirta Berbera iyo Wajaale, taasi oo la lagu wado  in uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhagax dhigi doono.

Sidoo  kale waxaa magaalada Hargeysa ku sugan wafdi kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo u tagay inay ka qeyb galaan dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale.

Amaanka Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Soomaaliland.

Wixii ku soo kordha la soco