Uncategorized

Madaxweyne Cosoble:- “Kheyrow Adiga Ma Dhisin Hirshabelle Mana Bur Burin Kartid, Adaa Siyaasada Si Fudud Ku Soo Galay Si Fududna Uga Baxaya”

Jowhar-KNN-Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ay dhawaan sheegeen Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle in ay xilka ka qaadeen ayaa maanta soo saaray amaro kala duwan oo quseeya Xaaladda Siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Cosoble ayaa Siyaasadda Jahwareersan ee Hirshabeelle ku eedeeyay in uu ka danbeeyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre isagoo sheegay in cuquubo adag ay ka dhalan doonto oo dhinaca siyaasadda ah.

Hadaba warqada ka soo baxday Madaxweyne Cosoble ee la sheegay in Xilka laga qaaday ayaa u qorneed sida tan -:

Madaxweynaha Sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo shir jiraa’id Xafiiskiisa ku qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo xasaasi ah, waxaana ugu horeyn uu ka hadlay afgambiga dhicisoobay oo la rabay in kursiga lagu boobo, waxaana uu ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in kaalin weyn ka qaadanayo bur burinta dowlad goboleedka Hirshabelle kaasi oo adeegsanaya Xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka, waxaana uu xusay in 5-tii bilood ee la soo dhaafayba uu dabin u dhigayay Kheyre sidii uu u kala diri lahaa maamulka, islamarkaana uu xayiray dhaqaalihii la siin jiray dowlad goboleedka.

“Anaga daacad ayaan iska eheyn runtii laakiin Ninka la leeyahay Kheyre waxa uu maleegayay bur burinta maamulkani, Hirshabelle adiga ma dhisin waa jireysaa, adaa meesha ka baxaya oo siyaasadda si fudud ku soo galay, lacagta Kheyre uu ka xayiray Maamulka bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu hadda rabaa in uu u soo fasaxo oo lagu dumiyo Maamulkani Xildhibaanadana lagu kala fur furo ha ogaadaan Beesha Caalamka Waxa ay wado Xukuumadda Federaalka” Ayuu Si Kulul U Yiri.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Gobolkii La Oran jiray Hiiraan  ka dhigay Laba gol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha sare,waxaana gobolkani Cusub magaalo madax u noqonaya Magaalada Bula burde halka Hiiraan ay Magaalo Madax U Noqoneyso Beledweyne.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo sii hadlay ayaa faah faahiyay Gobolkani Cusub ee ku soo kordhay Gobolkii Hiiraan la oran jiray, iyadoo uu sheegay in gobolkani markii hore uu ku dulmanaa islamarkaana uu ka horay 8-dii gobol maantana uu helay xaqiisii, waxaana uu ugu hambalyeeyay reer Hiiraan Gobolkani cusub, oo uu sheegay shuruudihii Dastuurka Qaranka iyo kan dowlad goboleedka in uu buuxiyay, waxaana arrintani ay ka dambeysay Socdaal dhawaan uu ku tagay Magaalada Beledweyne Kulamo kale duwana uu la soo qaatay qeybaha kale duwan ee Bulshada gobolka.

Madaxweyne Cosoble oo soo hadalqaaday arrinta xiisada ee ka taagan wadamada Khaliijka ayaa sheegay Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka in Xiriir fog uu kala dhexeeyo Soomaaliya sidaasi daraadeedna loo baahanyahay in la xoojiyo xiriirkaasi, waxaana tusaale uu u soo qaatay Soomaalida faraha badan ee ka shaqeysta wadamadaasi in loo daneeyo, lana tixgaliyo mashraaiicda horumarineed ee dalkeena ay ka wadaan Sacuudiga Iyo Imaaraadka.

“Aduunka Wax dhex dhex dhexaad kama jiraan hadaad tiraahdo dhex dhexaad ayaan ahay garab ayaad ka hiilisay marka waa muhiim in aynan ku kadsoomin oo aan la safan Cid aanan dan noo heyn, Waxaana dowladda federaalka aan ugu baaqayaa in ay ku noqoto go’aanka Wadamada Khaliijka ay horey uga qaadatay islamarkaana ay taageerto Xulufada Imaaraadka Sacuudiga” Ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cosoble.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka, iyo Kooxda Qaswadka ah ee ku sugan Jowhar in ay handadayaan saxaafadda oo ay ka weecinayaan baahinta xaqiiqda jirta, iyo sidoo kale Xildhibaanada oo qaarkood hanjabaado aan loo meel dayin loo jeedinayo.