Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay fayraska corona. Waxaa xanuunka laga baaray Isniintii kaddib markii lagu arkay calaamdaha xanuunka oo ay ka mid tahay herkulkiisa oo aad u sarreeyay.
Mr Bolsonaro ayaa si joogta u dafirayay khatarta fayraskan dunida halakeeyay isagoo ku tilmaamay inuu yahay “Hargab isak yar” oo aan dadku dhibaato badan u geysanayn.
Waxa uu sidoo kale barasaabyada ku boorriyay iney khafiiyiyaan xayiraadaha sababtoo ah waxa uu yiri waxa ay wiiqayaan dhaqaalaha dalka. Isniintina waxa uu gaashaanka u daruuray xirashada maskarada wajiga.
Markii uu hadalkan sheegay tirada dadka u dhintay xanuunkan waxay ka yaraayeen 3,000 halka tirada dadka laga helay fayraskana ay ahaayeen ilaa 40,000.
Hase yeeshee markaa wixii ka dambeeyay tirada dhimashada iyo dadka laga helayba cirka ayay isku sii shareereysay.
Isniintii tirada dhimashada waxay kor u dhaaftay 65,000 oo qof, halka 1.6 milyan oo qofna laga helay xanuunka taasi oo Barazil ka dhigeysa dalka labaad ee dunida saameynta ugu weyn ku yeeshay coronavirus.