Somali News

Madaxweyne Dani oo anbabaxay dalka Shiinaha

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka anbabaxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana la sheegay in uu ku sii jeedo dalka Shiinaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas ayaa Wafdiga Madaxweynaha ka sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee magaalda Garowe.

Safarka Madaxweyne Dani ee dalka Shiinaha ayaa lagu sheegay in uu kala soo arinsanayo mashaariic ku aadan kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Shiinaha ee deegaanada Puntland.