Somali News

Madaxweyne Dani oo dardaaran u jeediyay Sakiisha amaanka gobolka Mudug

Gaalkacyo-KNN-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulalahi Dani oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo mudooyinkii danbe kulamo la qaadanayay Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybeheeda kala duwan ayaa dhinacyaduu la kulmay waxa uu ku adkeeyay in loo istaago sugida amaanka gobolkaas.

Madaxweyne Dani iyo Saraakiisha amaanka gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa si wadajir ah u sheegay in xooga lasarayo sugida amaanka si loo xakameeyo dilalka qorsheysan ee mararka qaar ay ka geystaan kooxaha hubeysan.

Madaxweyne Dani ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ay waajib ku tahay sugida amniga, isagoo ugu baaqay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada in ay garab ka siiyaan Ciidamada, isla markaana ka maamul ahaan waxyaabaha looga baahan yahay ay diyaar u yihiin.