Somali News

Madaxweyne Dani oo iclaamiyay shir weyne u dhexeeya madaxda Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada

Garoowe-KNN-Madaweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo shalay galinkii danbe dib ugu laabtay Puntland ayaa Xalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Dani oo Todobaadyo  ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa isu maray wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya, waxa uu sheegay in magaalada  abuu Dubia uu hishiisyo hormarineed kula soo gaaray Madaxda Imaaraadka iyo Shirkado ganacsi. 

Dhanka kale Magaalada Nairoobi ee dalka Kenya ayuu sheegay in uu kula kulmay  madaxda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug kuwaasi oo ay ka wada hadleen xaaladaha cakiran ee uu dalku marayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Nairobi uu kala kulmay qaar kamid ah wakiilada Beesha Calamka ujooga soomaaliya iyo siyaasiyiin badan oo soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweynaha Siciid Deni qudbadiisii xalay uu ka jeediyay  magaalada Garoowe waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in aysan iyadu ogoleyn nidaamka Federaalka oo ay kasoo horjeeddo.

Qudbadiisa oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu kusoo hadal qaaday hanaankii loo maray magacaabistii Guddomiyaha Bangiga dhexe Soomaaliya iyo Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, oo uu ku dhaliilay qaabka magacaabistooda, isagoo sheegay in ay habooneed in la iska tala galiyo.

Deni ayaa sheegey in shir weyne ay kasoo qeybgalayaal Madaxweyne Farmaajo ,Ra’iisal wasaare kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada labada bisha soosocota ee May uu ku qabanayo magaalada Garoowe.