Somali News

Madaxweyne Dani oo maanta 15,800 oo Arday Imtixaan uga furay Puntland

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa Sabtida saakay magaalada Garowe waxa uu ka daah furay Imtixaanka Shahaadigaa ee deegaanada maamulka Puntland.

In ka badan 15,800 oo Arday ayaa sanadkaan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad dugsiyada sare degaannada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada maamulka Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan gobolada iyo degmooyinka ay maamusho Puntland.