Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka maamulka Puntland.
Digreeto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Dani ayaa lagu magacaabay Sagaal xubnood oo noqonaya guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland, kuwaas oo kala ah:
1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq
2. Sahra Jaamac Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Cabdullaahi faarax Mire
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed
9. Cadirisaaq Axmed Siciid
Bil ka hor ayaa waxaa gabi ahaan hal mar is casilay guddiga doorashooyinka maamulka Puntland, wallow aan si cad loo sheegin sababta ka dambeysay is casilaadooda.