Somali News

Madaxweyne Dani oo magacaabay Taliyaal iyo Mas’uuliyiin kale

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka  Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa dikreetooyin is xigay oo kasoo baxay xaafiiskiisa waxa uu ku magacaabay taliyaal ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo cusub.

Madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland u magacaabay, S/Gaas yaasiin Cumar Dheere, halka uu taliye  ku-xigeenka labaad ee Daraawiishta  Puntland u magacaabay, S/guuto Axmed Cali Salaad.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay, Saciid Maxamed Faahiye, isagoo guddoomiye ku-xigeenka gobolkaas u magacaabay Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir, isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay, G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda Hooballada waaberi ee Puntland u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u  magacaabay, la-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.