Somali News

Madaxweyne Dani oo shir ka furay Garowe

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa shir socon doona mudo labo cisho ah waxaa dhinyada deegaanada Puntland maanta uga furay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadii uu shirkaasi ka Furayay ayaa balanqaaday inuu ahmid gaar siindoonto dhallinyarada kunool deegaanada Puntland, maadaama ay yihiin lambarka ugu badan ee dadka deegaanada maamulkaas iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

“Waa shir muhiim u ah Puntland ,waxaa la isku waafaqsan yahay tirada badan ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland 70% wax ka badan inay dhalinyaro yihiin, marka waa inaan ka shaqeynaa hurumarkooda iyo mustaqbalkooda”, ayuu yiri Dani.

Madaxweyne dani oo sii hadlayay ayaa yiri, “Waxaad ogtihiin waxyaabaha ugu waawayn ee Puntland ku faanayso in ay yihiin amniga cidda ka shaqeysaa waa dhalinyaro. Ciidamadeena waa dhallinyaro, shaqaaleheeda waa dhalinyaro, xarumaha wax soo saarka ka shaqeeya waa dhalinyaro, kuwa Kalluunka iyo Khayraadka ka shaqayn waa dhalinyaro, dadkoo dhan ayaa dhalinyaro ah.marka waxaa soo dhan waa in loo sameeyo siyaasad lagu hago”.