Somali News

Madaxweyne deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garacad

Garoowe-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa ay gaareen deegaanka Garacad oo ka tirsan  Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Gobalka Mudug ayaa wafdiga Madaxweyne Deni ku soo dhaweeyay Deegaanka Garacad ee Gobalkaasi, iyadoona ammaanka deegaanka Maanta aad loo adkeeyay.

Safarka Madaxweyne deni ayaa waxaa ku wehliya  Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeyb-galay shirkii Maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo xiray Magalada Garoowe.

Sababta uu Madaxweyne Deni iyo Xubnaha Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeybgalay shirkii  Maalgashiga Puntland ayaa lagu  sheegay inay tahay sidii ay booqan lahaayeen goobaha loogu tala galay  in laga dhiso dekadda Garacad.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu warbaahinta  kula hadlo Deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug.