Somali News

Madaxweyne Deni oo Boosaaso Shir Deg deg ah kula leh Golaha Wasiirada ee Puntland.

Boosaaso-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo golihiisa Wasiirada ayaa maanta kulan Deg deg ah ku leh magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Shirka golaha wasiirada ayaa maanta waxaa shir gudoominayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni.

Waxaa la filayaa in shirka looga hadlo xaaladda ammaan ee Puntland guud ahaan gaar ahaan magaalada Boosaaso, safarka madaxweynaha Puntland ee Boosaaso, waxqabadka xukuumadda, xaaladda abaaraha iyo arrimo kale.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u fara badan oo xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweynaha Maamulka Puntland.