Garowe-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka qarxa gudaha deegaanada Somaliland.
Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u ‘wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya’.
Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da.
”Waxaan maqleynaa inay xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan. Waxaa ka mid ah oonu ognahay inay gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse dowladda federaalka ayuu tilmaamay inay wado, “Qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato, kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.
Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa ay qorshayaashaasi yihiin. ”Inaga ma rabno in aan qaadano doorka ay leedahay dowladda federaalka, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano in kastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay, balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.