Somali News

Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugnaa dalalka Imaaraadka carabta iyo Itoobiya ayaa  maanta dib ugu laabtay  magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha Puntland ayaa madaxweyne Deni ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu caawa Garoowe ka daah-furo shir ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira Puntland oo uu ka qayb-galayo ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.