Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey shirarkii dhowaan ka qabsoomay Magaalada Garoowe iyo sababaha keenay inay fashilmaan, tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono, haddii uu khilaaf kala dhexeeyo Jubbaland iyo Galmudug, isbahaysiga cusub iyo qodobo kale.
“Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”.
“Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”.
Madaxweynaha ayaa baaq u diray Madaxda Dowladda Fedweraalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.
“Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland
Halkan ka dhageyso:-