Somali News

Madaxweyne Deni oo kala diray xubnihii golaha deegaanka ee waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareeto ka soo baxday xafiiskiisa ku kala diray xubnihii golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo, qeybta Puntland.  

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha 

Garoowe, 12, January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad 

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo 

2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=