Somali News

Madaxweyne Deni oo ku wajahan Galdogob

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa todobaadkan socdaalkii u horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegaya Deegaanka Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka tirsan Golayaasha maamulka Puntland, ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula yeelan doona Mas’uuliyiinta Deegaanka Galdogob, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku samayn doona xarumaha Dowladda ee ku yaalla Degmada Galdogob, waxaana la filayaa in uu mashaariic cusub ka dhagax dhigo Degaanka, kuwaas oo uu ka ballan-qaaday Kulan uu Gaalkacyo kula yeeshay odayaasha Dhaqanka Galdogob.

Mudane Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee Puntland oo booqda Galdogob, waxaana horay halkaasi u booqday Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 13 April 2014 saddex bilood kadib markii la doortay.