Somali News

Madaxweyne Deni oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Puntland.

Garoowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi deni iyo Madaxweyne kuxigeen Axmed Cilmi Cismaan ayaa kulan la yeeshay madaxda wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi.

Ilo ka agdhow xafiiska Madaxweynaha  ayaa sheegaya in madaxweynuhu kala hadlay wasiirka maaliyadda arrimo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynuhu amar ku soo rogay wasiirka maaliyadda, kaasoo ahaa inaan wax lacag ah laga saari karin bangiga puntland iyo akoonada maamulka  ku leedahay bangiyada gaarka loo leeyahay.