Uncategorized

Madaxweyne Deni oo la kulmay odoyaasha Qardho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga  Qardho ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Karkaar.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka, gaar ahaan nabadgelyada, horumarka iyo deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa odoyaasha u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanka isla markaana maamulka ay garab ku siiyaan wax ka qabashada baahiyaha Bulshada.

Madaxweynaha Puntand intii uu ku sugnaa Qardho waxaa uu tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah.