Somali News

Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socday Sucuudiga

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Puntland waxaa uu ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Sacuudiga oo gaaray magaalada garoowe.

Wafdigan Sacuudi Carabiya ka socday ayaa waxay si gaar ah uga socdaan Hay,add khayri ah oo ka shaqaysa arimaha Caafimaadka Waxayna doonayaan in ay puntland ka caawiyaan Arimo badan oo la xiriira Dhanka Caafimaadka.

Kulanka ka dib ayaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ka Warbixiyay U jeedooyinka Wafdigan ay u yimaadeen garoowe iyo waxyaabaha looga wada hadlay kulanka ay Madaxweynaha puntland la yeesheen.