Somali News

Madaxweyne Deni oo la wareegay Xilka Madaxweynaha Puntland.

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Puntland ayaa maanta la wareegay hogaanka talada Puntland kadib xaflad maanta lagu qabtay Madaxtooyada Puntland.

Xafladda oo ay goob joog ahaayeen Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa hadaladii laga jeediyay lagula dar-daarmay Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan ku soo baxay doorashadii Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland C-wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay halkaan uga bilaabatay waayo cusub, waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha cusub laga sugayo wax qabad dhab ah.