Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Maamulkaas kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Puntland:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Puntland.
- Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Puntland.
- Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Puntland.
- Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


