Somali News

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga ka shaqeeya xulista Xildhibaanada golaha deegaanka Gaalkacyo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu magacaabay guddigq soo xulista xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Tirada Guddiga La magacaabay ayaa ka kooban 12 xubnood, waxaana loo xil saaray in ay ka shaqeeyan soo xulista xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa faray dadka Ku shaqada Leh howshan inay la shaqeeyaan guddiga.